Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER SHAQO KU TAGAY MARKABKA SHIDAALKA QODAYA EE ÇAĞRI BEY

0 Visits: 8 | Friday October 16, 2026 - 21:28:29
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka.

Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

0 Visits: 76 | Monday October 12, 2026 - 21:07:16
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Difaaca Afrika

0 Visits: 118 | Friday October 09, 2026 - 00:28:33
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta la soo gabagabeeyay, kaddib saddex maalmood oo uu socday.

Read More »

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

0 Visits: 84 | Friday October 09, 2026 - 00:24:57
Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb-galay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka, kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Taliska Ciidanka Badda Dawladda Talyaaniga, wuxuuna…

Read More »

RW Xamsa Cabdi Barre oo Tababar u Soo Xiray Dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab

0 Visits: 155 | Tuesday September 29, 2026 - 23:15:09
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Guutada…

Read More »

RW Xamsa oo Guddoomiyey Kulan Amni Isaga oo Ammaanay Guulaha Ciidanka Qaranka

0 Visits: 159 | Sunday September 27, 2026 - 00:16:54
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku shir guddoomiyey kulan looga hadlay amniga caasimadda Muqdisho, kaddibna ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Qaranka, loogana mahadceliyey doorkooda sugidda…

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Aljeeriya

0 Visits: 167 | Sunday September 27, 2026 - 00:06:21
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Caliim.

Read More »

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA CIIDANKA CIRKA SOOMAALIYEED

0 Visits: 176 | Thursday September 24, 2026 - 21:07:36
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdiqaadir Maxamad Nuur Jaamac, oo uu weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeer iyo booqasho shaqo ku tegay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Read More »

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO QAABILAY TALIYAHA TALISKA HAWLGALLADA WADAJIRKA AH EE TALIYAANIGA

0 Visits: 160 | Thursday September 24, 2026 - 20:47:27
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Taliyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo wehliye Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, kaas oo booqasho rasmi ah ku yimid…

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga

0 Visits: 172 | Thursday September 24, 2026 - 20:44:21
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Wafdiga waxaa hogaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada…

Read More »

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer ku Tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee XDS

0 Visits: 157 | Thursday September 24, 2026 - 20:41:07
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Read More »

TALIYAHA TALISKA CIIDANKA GAARKA AH OO TABABAR HEERKIISU SAREEYO U SOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA GAARKA AH XDS OO LAGU TABABARAY DALKA MASAR

0 Visits: 163 | Thursday September 24, 2026 - 20:31:35
Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Read More »

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka,

0 Visits: 184 | Tuesday September 22, 2026 - 20:53:10
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho ku jooga magaalada…

Read More »

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo qaabilay u qaybsanaha Difaaca Mareykanka

0 Visits: 160 | Tuesday September 22, 2026 - 20:49:14
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta qaabilay u-qaybsanaha Difaaca Mareykanka ee Soomaaliya, Colonel Egan O'Reilly.

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan

0 Visits: 125 | Tuesday September 22, 2026 - 20:44:44
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Saraakiil Turki ah

0 Visits: 118 | Tuesday September 22, 2026 - 20:33:18
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.

Read More »

Madaxweynaha JFS oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socda Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan

0 Visits: 104 | Sunday September 20, 2026 - 23:08:32
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka…

Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan ah

0 Visits: 113 | Sunday September 20, 2026 - 23:07:16
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga dalka, kuwaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

0 Visits: 119 | Sunday September 20, 2026 - 23:04:49
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.

Read More »

WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA PAKISTAN OO SOO GAARAY MUQDISHO

0 Visits: 114 | Sunday September 20, 2026 - 23:02:15
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Read More »