TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KULAMO LA YEESHAY MAAMULKA, SARAAKIISHA IYO BULSHADA DEGMADA BARAAWE

0
Tuesday November 03, 2026 - 22:38:00 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KULAMO LA YEESHAY MAAMULKA, SARAAKIISHA IYO BULSHADA DEGMADA BARAAWE

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), saraakiil ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), saraakiil ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.

Taliyaha ayaa ka dhageystay saraakiisha iyo mas'uuliyiinta warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo hawlgallada socda, isaga oo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadka qaran, xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ciidamada, maamulka iyo bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go'an tahay difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga guud.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip