TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO DULEEDKA BARAAWE KU BOOQDAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha oo ciidamada la hadlay ayaa u jeediyey dardaaran iyo dhiirrigelin ku aaddan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada faray in ay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, si loo ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ee khatarta ku ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerka iyo la socodka hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyo qiimeynta xaaladda amni ee deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

0 