
WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO KA QAYBGALAY DHAGAX-DHIGGA XARUNTA CUSUB EE TALISKA CIIDANKA BADDA
Xarumaha la dhagax-dhigay ayaa kala ah Xarunta Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Xarunta Isku-dubbaridka Hawlaha Badda iyo goobta dejinta iyo rarista maraakiibta iyo gaadiidka badda.
Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dhagax-dhigga xarumahani uu astaan u yahay soo kabashada awoodda difaaca dalka, dib-u-dhiska hay’adaha qaranka iyo go’aanka dowladda ee ku aaddan ilaalinta badaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu xusay in baddu ay qayb muhiim ah ka tahay qarannimada dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta khayraadka Baddu ay muhiim u tahay amniga, dhaqaalaha iyo madaxbannaanida dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa caddeeyay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu yahay mid lagu dhisayo hay’adaha qaranka iyo awoodda difaaca dalka, isaga oo tilmaamay in mashaariicda Türkiye ka fulinayso Soomaaliya ay taageerayaan qarannimada, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wuxuu farriin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku boorriyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, ilaaliyaan sharafta ciidanka, kana fogaadaan wax kasta oo wiiqaya midnimada iyo wadajirka hay’adda ciidanka.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan dib-u-dhiska ciidamada, isaga oo si gaar ah u xusay Madaxweynaha Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidamada dalkaas, doorka ay ka qaadanayaan horumarinta awoodda difaaca Soomaaliya.

























0 

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO KA QAYBGALAY DHAGAX-DHIGGA XARUNTA CUSUB EE TALISKA CIIDANKA BADDA
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ku dhagax-dhigay saddex xarumood oo muhiim u ah dib-