Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka wareejinaya oo ka qeybgalay xarig-jarka Dugsiga Waxbarashada iyo dhagax-dhigga Isbitaalka degmada Warsheekh

0
Tuesday November 24, 2026 - 23:44:47 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 7
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka wareejinaya oo ka qeybgalay xarig-jarka Dugsiga Waxbarashada iyo dhagax-dhigga Isbitaalka degmada Warsheekh

    Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka wareejinaya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xarig-jarka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare iyo dhagax-dhigga Isbitaalka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Mashaariicdan waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga ee xilka wareejinaya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xarig-jarka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare iyo dhagax-dhigga Isbitaalka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Mashaariicdan waxaa maalgeliyay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen; Safiirka Dowladda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ferhat Alkan; Guddoomiyaha degmada Warsheekh iyo Wasiirro ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay hirgelinta dugsiga iyo dhagax-dhigga isbitaalka, isaga oo tilmaamay in labada mashruuc ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, kor u qaadista tayada nolosha bulshada iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ku nool degmada Warsheekh iyo deegaannada ku xeeran.

Wasiirka ayaa sidoo kale ammaanay iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Türkiye ee suurageliyay hirgelinta mashaariicdan, isaga oo xusay in adeegyada bulshadu ay saldhig u yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa Dowladda Türkiye uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, iyo taageerada ay siiso hay’adaha difaaca iyo amniga.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip