MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DHAGAX-DHIGAY DHISMAHA JAAMACADDA DIFAACA QARANKA

0
Sunday November 15, 2026 - 23:29:39 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DHAGAX-DHIGAY DHISMAHA JAAMACADDA DIFAACA QARANKA

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayo Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayo Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka .

Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacaddu muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka iyo diyaarinta hoggaamiyeyaal ciidan oo leh aqoon, xirfad iyo karti ay ku ilaaliyaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa sheegay in dhagax-dhigga Jaamacaddu uu yahay tallaabo taariikhi ah oo astaan u ah dib-u-dhiska awoodda aqooneed, xirfadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in dhismaha ciidan xooggan uusan ku koobnayn hub iyo qalab, balse uu ku dhisan yahay aqoon, hoggaan, anshax, nidaam iyo aragti istiraatiiji ah.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hirgelinta Jaamacaddu ay rumaynayso himiladii Madaxweynaha ee ahayd aasaasidda Jaamacad heer qaran ah oo lagu horumariyo aqoonta iyo hoggaaminta difaaca dalka, taas oo sare u qaadi doonta sumcadda, haybadda iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Waxaan doonaynaa in sarkaalka Soomaaliyeed uu yeesho waddo waxbarasho oo dhammaystiran, laga bilaabo maalinta uu ciidanka ku biiro ilaa heerka ugu sarreeya ee hoggaaminta difaaca qaranka. Qaran doonaya inuu difaaciisa ku tiirsanaado waa inuu marka hore dhistaa aqoonta iyo hay’adaha soo saara hoggaamiyeyaasha difaaciisa,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyey rajada ah in Jaamacaddu noqoto xarun heer qaran iyo heer gobol ah oo lagu barto cilmiga difaaca, laguna soo saaro saraakiil Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo karti ay dalkooda ugu adeegaan.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay Soomaaliya ka siiso dib-u-dhiska iyo horumarinta hay'adaha difaaca qaranka, gaar ahaan iskaashiga ku aaddan hirgelinta Jaamacadda Difaaca Qaranka. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey mowqifka dowladda Shiinaha ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa carrabka ku adkeeyey taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga labada dal.



FB_IMG_1794743623342.jpg

FB_IMG_1794743603547.jpg

FB_IMG_1794743597524.jpg

FB_IMG_1794743595068.jpg

FB_IMG_1794743591504.jpg




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip