
Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dilay Shabeellaha Hoose horjoogeyaal Al-Shabaab ka tirsanaa
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Shanta Baraako oo ku yaalla duleedka degmada Leego, kaddib markii ciidamadu ay halkaas kula kulmeen maleeshiyaad isku uruursanayay. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaalkaas kaga adkaaday maleeshiyaadkii, waxaana la burburiyey fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo laga helayo gudaha kooxda Al-Shabaab ayaa tilmaamaya in dagaalka maanta dhacay lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdifitaax Gaalgooriyow iyo Cabdulqaadir Xuseen. Labadan xubnood ayaa kooxda u qaabilsanaa aagga u dhexeeya Leego iyo Buurhakaba, iyagoo si gaar ah mas’uul uga ahaa isku socodka waddooyinka ay isticmaalaan madaxda kooxda, gaar ahaan isgoysyada muhiimka ah ee Jiiro Yaasiin, Jiiro Kuulow, Iidow Jalaat iyo Dhargo, kuwaas oo isku xira waddooyinka u kala goosha waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira fulinta Hawlgalka Banooda ayaa maalmihii u dambeeyey waday hawlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyadka khawaarijta qiimeyn ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda amni ee deegaannada.
Hawlgaladani waxay qayb ka yihiin dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka muhiimka ah, laguna ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo isku socodka shacabka Soomaaliyeed.



0 

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dilay Shabeellaha Hoose horjoogeyaal Al-Shabaab ka tirsanaa
Ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), kuwaas oo hawlgallo lagu baacsanayo deegaannada u dhexeeya Leego iyo Iidow Jalaat ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maanta dagaal culus la galay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.