Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Türkiye
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee qotadadheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.

0 