Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kormeer ugu Tegay Ciidamada ku Sugan Baraawe
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay ciidamada ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada, isaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Taliyaha ayaa ciidamada faray inay xoojiyaan heeganka iyo sugidda amniga, isla markaana dardargeliyaan howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee cadawga ku ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay gudashada waajibaadka qaran iyo joogteynta diyaar-garowga ciidamada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

0 