Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Türkiye oo ka wada hadlay iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga

0
Tuesday November 10, 2026 - 23:01:59 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Türkiye oo ka wada hadlay iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan iyo wafdi uu hoggaaminayey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda gobolka, isbeddelladii iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta labada dal si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada walaaltinimo ee joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay Dowladda Türkiye ka qaadato dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, horumarinta hay’adaha difaaca iyo xoojinta awoodda Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanideeda iyo amniga qarankeeda.

Wasiirku wuxuu adkeeyey in Türkiye ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah Soomaaliya, isla markaana iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, kalsooni, is-ixtiraam iyo aragti fog oo ku wajahan danaha wadajirka ah.

Kulankan ayaa mar kale muujiyey xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Türkiye iyo sida ay labada dal uga go’an tahay sii xoojinta iskaashigooda istiraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip