CUTUBYO KA TIRSAN KUMAANDOOSKA GORGOR OO TABABAR CIIDAN KU SOO DHAMMEYSTAY DALKA TURKIGA

0
Sunday November 08, 2026 - 23:27:19 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CUTUBYO KA TIRSAN KUMAANDOOSKA GORGOR OO TABABAR CIIDAN KU SOO DHAMMEYSTAY DALKA TURKIGA

    Cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dalka Turkiga ku soo dhammeystay tababar ciidan oo lagu kobcinayay aqoontooda iyo xirfadahooda milatari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dalka Turkiga ku soo dhammeystay tababar ciidan oo lagu kobcinayay aqoontooda iyo xirfadahooda milatari.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo awoodda hawlgal ee cutubyada Kumaandooska Gorgor, iyadoo la xoojinayo kartidooda fulinta hawlgallada gaarka ah iyo ka jawaabista xaaladaha amni ee u baahan xirfad, feejignaan iyo diyaargarow sare.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an sii dardargelinta barnaamijyada tababarka iyo dhismaha ciidan tayo leh, awoodna u leh gudashada waajibaadka qaran ee difaaca dalka iyo shacabka, iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip