MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DHAGAX-DHIGAY DIB-U-DHISKA IYO CASRIYEYNTA ISBITAALKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

0
Sunday November 15, 2026 - 23:57:28 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DHAGAX-DHIGAY DIB-U-DHISKA IYO CASRIYEYNTA ISBITAALKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayo Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska iyo ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayo Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska iyo casriyeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu tayeynayo hay’adaha difaaca iyo daryeelka ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha ciidamada. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay suurtageliyeen in hay’adahaasi, muddo kaddib, ay awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo horumarinta daryeelkooda caafimaad.

Dib-u-dhiska iyo casriyeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah qorshaha lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka ciidamada u taagan ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta iyo difaaca qaranka Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip