Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Hans Henric Lundquist.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo la isla soo qaaday arrimo muhiim u ah danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sweden.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay saaxiibbadeeda caalamka.

0 