
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha oo Xilka La Wareegay
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir "Shariif", ayaa maanta xilka kala wareegay Sareeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, taliyihii hore ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha.







Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta, Sareeye Gaas Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), iyo saraakiil ka tirsan hoggaannada iyo talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Intii ay munaasabaddu socotay, Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta ayaa bogaadiyey dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay taliyihii hore muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay gudashada waajibaadkiisa. Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray taliyaha cusub, isaga oo u rajeeyey guul iyo in uu si hufan u guto masuuliyadaha loo igmaday.










0 

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha oo Xilka La Wareegay
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir "Shariif", ayaa maanta xilka kala wareegay Sareeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, taliyihii hore ee Ciidanka Badda iyo