Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowladda Türkiye oo Booqasho ku Yimid Soomaaliya

0
Sunday November 22, 2026 - 23:38:04 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 3
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowladda Türkiye oo Booqasho ku Yimid Soomaaliya

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Türkiye, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xaaladda amni ee gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Türkiye ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan, iyo saraakiil kale oo ka kala socday labada dhinac.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip