TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY SALDHIGGA CIIDANKA BADDA IYO DIFAACA XEEBAHA EE BARAAWE

0
Sunday November 08, 2026 - 23:24:31 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY SALDHIGGA CIIDANKA BADDA IYO DIFAACA XEEBAHA EE BARAAWE

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday saldhigga Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday saldhigga Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa saldhigga kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha, kuna bogaadiyey dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta xeebaha dalka, badbaadinta shacabka iyo sugidda amniga qaranka.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqday saldhigga booliska iyo xarumaha kale ee bulshada loogu adeego, oo ay ka mid yihiin Isbitaalka magaalada, xarunta maamulka gobolka iyo Suuqa Weyn ee Baraawe.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo amniga, lagula soconayo xaaladaha guud ee deegaannada dalka, isla markaana lagu adkeynayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ciidanka iyo bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip