Ra'isul Wasaaraha Dalka Oo Gaaray Cadaado

0
Friday November 27, 2015 - 15:12:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaaraha Dalka Oo Gaaray Cadaado

    Ra'isul Wasaaraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goordhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ra'isul wasaaraha iyo wafdigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul Wasaaraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goordhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ra'isul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Ra’isul wasaaraha oo ay ku wehliyaan safarka xubno ka tirsan labada gole ee dowlada ayaa halkaasi u tagay soo afjarida xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay tagista Ra’isul Wasaaraha ee cadaado, waxaana uu sheegay halkaasi in kulamo uu kula leeyahay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo uu kala hadlayo dajinta xiisada magaalada Gaalkacyo ee maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd.

Wixii Warar ah ee Ku Soo Kordha Waan idiin la socod Siin Doonaa Insha’allah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip