Taliyaha NISA oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

0
Sunday May 12, 2024 - 12:52:52 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha NISA oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

    Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doorkooda ciribtirka Khawaarijta.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip