LIVERPOOL OO KU DHAW IN AY SOO XERO GALISO MARIO GOTZE

0
Tuesday March 29, 2016 - 08:32:53 in Ciyaaro by Mustaf Xuseen
  • Visits: 5018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    LIVERPOOL OO KU DHAW IN AY SOO XERO GALISO MARIO GOTZE

    Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhow inay soo xero geliso weeraryahanka Bayern Munich ee Mario Gotze, kaasoo ay ku baxayso lacag aad u yar oo lagu qiyaasay 15 milyan oo gini.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhow inay soo xero geliso weeraryahanka Bayern Munich ee Mario Gotze, kaasoo ay ku baxayso lacag aad u yar oo lagu qiyaasay 15 milyan oo gini.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund kaasoo dhaliyey goolkii guusha xulkiisa Germany ee Final-kii koobkii Adduunka 2014 ayaa la rumeysan yahay in uusan ku faraxsaneyn nolosha garoonka Allianz Arena, waxaana uu si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo gegeda Anfield tan iyo markii uu Jurgen Klopp halkaas tababare ka noqday.

Si kastaba ha ahaatee, jariiradda The Express ayaa sheegeysa in Gotze uu jecel yahay inuu markale la shaqeeyo macallinkiisii hore ee Klopp, iyadoo qiimihiisana uu u dhexeeyo 15 milyan oo gini ilaa 20 milyan oo gini, waxaana 24 sano jirkaan uu heshiiskiisa Bayern Munich ku eg yahay xagaaga soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa inay u dhaqaaqi doonto Piotr Zielinski, laakiin Christian Benteke ayaa la filayaa inuu isaga tago Reds kaddib kaliya hal sano oo uu la joogay kooxda, West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ugu cad-cadahay adeega xiddiga xulka qaranka Belgian.

Zielinski kaasoo amaah uga tagay Empoli kuna aaday Udinese ayaa la soo xigtay isagoo dhahaya: "Waxaa laga yaabaa in ay fursad ii tahay suuqa kala iibsiga wayndhammaadka xilli ciyaareedkan



 

 



 



 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip