Gaari ay la hayeen kooxda shabaab oo lagu gubey degaanka Geedo-Samo oo hoos yimaada degmada buulo burde

0
Wednesday November 25, 2015 - 16:48:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari ay la hayeen kooxda shabaab oo lagu gubey degaanka Geedo-Samo oo hoos yimaada degmada buulo burde

    Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka oo hubeysan iyo Kooxda argagexesada Shabaab ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Geedo-Samo oo ka tirsan degmada Buulo Burde ee gobolka hiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka oo hubeysan iyo Kooxda argagexesada Shabaab ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Geedo-Samo oo ka tirsan degmada Buulo Burde ee gobolka hiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleyshiyaadka Kooxda ay dadka deegaanka ku amreen inay bixiyaan waxa ay ugu yeereen xoolo zakawaad ah, iyadoo dadkii deegaanka ay diideen, waxaana taasi keentay inay is abaabulaan oo ay la dagaalamaan kooxdii maleyshiyaadkii ka tirsan Kooxda gabalkeedu dhacey ee shabaab

Wararka ka imanayo degaanka geedo samo oo ka tirsan degmada buulo burde ayaa sheegaya in illaa sagaal ruux oo ka tirsan Kooxda shabaab ay ku dhinteen dagaalka, halka todobo kalena looga dhaawacey, waxaana markii dambe deegaanka uu dagaalka ka dhacay u soo gurmaday ciidamo ka tirsan dowladda, si ay u gacan siiyaan dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa dagaalka Kooxda shabaab ugu gubey gaari ka mid ah kuwii ay wateen Al-Shabaab ay ku gubeen dagaalka, waxaana xaalada deegaankii lagu dagaalamay ay tahay mid degan.

 

Ma ahan markii u horeysay oo ay isku dhacaan dad shacab ah iyo Kooxda Shabaab, waxaana Shabaab deegaanada ay ku sugan yihiin dadka ka qaadaan zakawaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip