Dagaal udhaxeeya Khawaarijta oo ka socda Deegaanka Ufurow ee gobolka Baay.

0
Tuesday June 25, 2024 - 10:02:38 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal udhaxeeya Khawaarijta oo ka socda Deegaanka Ufurow ee gobolka Baay.

    Wararka Ka imaanaya Deegaanka Ufurow ee gobolka Baay ayaa Sheegaya in Khawaarijta dhexdooda ay isku dagaaleen lacagihii baadda ahaa ee ay ka aruurin Jireen Shacabka, oo ay u garan ogyihiin sakawaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Ka imaanaya Deegaanka Ufurow ee gobolka Baay ayaa Sheegaya in Khawaarijta dhexdooda ay isku dagaaleen lacagihii baadda ahaa ee ay ka aruurin Jireen Shacabka, oo ay u garan ogyihiin sakawaad
Wararka ayaa intaas Ku daraya in ay iska dileen labo maleeshiyo halka mid kalena uu Dhaawac daran yahay, Sidoo Kale Khawaarijta ayaa imika isku hub uruursanaya.

Dagaalkan deegaanka Ufurow ku dhexmaraya khawaarijta ayaa ah mid salka ku haaya lacagaha baadda ahaa ee ay shacabka ka qaataan kuwaa oo ah xoolaha nool oo dadka deegaanka xoog looga qaatay, waxaana sidookale hadda jira abaabul dhaxdooda ah oo haatan ka socda deegaanka.
Dhanka kale waxay wararka intaasi ku darayaan inuu kala shaki soo kala dhex galay argagixisada oo haatan ku kala qeybsan baadda iyo xoolaha dadka deegaanka ay ka dhacaan.


Kadib markii dowlada somaaliya ay xooga saartey la dagaalanka khawaarijta waxaa aad usoo badanayay kala shakiga iyo isku dhaca argagixisada taas oo loo maleenayo inay tahay rafashadii ugu danbaysay ee kooxda banaysatey dhiiga shacabka somaaliyeed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip