Madaxweyne Gaas oo tagey goobihii ciidamada Puntland ay kula dagaalameen Al-shabaab.+Sawiro

0
Wednesday March 23, 2016 - 14:12:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Gaas oo tagey goobihii ciidamada Puntland ay kula dagaalameen Al-shabaab.+Sawiro

    Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxa uu gaaray deegaanka Jariiban ee gobolka Mudug, halkaas oo kamid ah meelaha ciidamada Puntland ay kula dagaalameen kooxda maleyshiyada Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxa uu gaaray deegaanka Jariiban ee gobolka Mudug, halkaas oo kamid ah meelaha ciidamada Puntland ay kula dagaalameen kooxda maleyshiyada Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa subaxnimadii hore ee maanta ka baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa isla maanta oo Arbaca ah lagu soo dhaweeyey magaalada Jarriiban ee Bariga Gobolka Mudug.

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland, waxaana ka qayb-qaatay soodhoweynta Madaxweyna Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Jarriiban, odayaal dhaqameed, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda iyo boqollaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta kadib kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Jarriiban waxaana uu sheegay in socdaalkiisu uu ku qotomo sidii uu ugala qayb geli lahaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Jariiban guulihii ay ciidamada difaaca ee Puntland kasoo hooyeen al-Shabaabkii ku soo duuley Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in guulihii laga gaarey dagaalkii aan la galnay argagixisada alshabaab ay sabab u ahayd midnimada shacabka Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka Puntland ay kawada shaqeeyaan sidii ay siwada jir ah ugu adkayn lahaayeen Midnimada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadley maxaabiistii la qabtey ayaa sheegay in kuwa yar-yar ay xanaaneynayaan oo hanuuniyayaan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay Dawladda Puntland kula jirto ururka argagaxisada ah ee alshabaab uu yahay bilow isla markaana loo baahan yahay dadka Puntland in ay kaalintooda qaataan, sidoo kalena ciidamada Puntland-na ay sii laba jibbaari doonaan heeggankii ay ugu jireen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.



IMG_2935

IMG_2958

IMG_2965

IMG_2969

IMG_2971

IMG_2984

IMG_3002

IMG_3005

IMG_3027

IMG_3035

IMG_3051

IMG_3064

IMG_3090

IMG_3094







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip