'''Reysal Wasaare Sharmaake waan dhameyney cawashadii odeyaasha reer hiraan dib ayoo u furmayaa shirka jowhar''''

0
Wednesday March 23, 2016 - 14:12:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '''Reysal Wasaare Sharmaake waan dhameyney cawashadii odeyaasha reer hiraan dib ayoo u furmayaa shirka jowhar''''

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa kulamo Wada tashi ah oo lagu xallinayo Muranka ka taagan shirka maamul u Sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la qaatay Odayaash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa kulamo Wada tashi ah oo lagu xallinayo Muranka ka taagan shirka maamul u Sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la qaatay Odayaasha Dhaqanka Gobolka.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen shirka looga hadlayo Aayaha dadka ay matalaan Odayaasha ee ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhex, iyadoo la iskuraacay in la xalliyo tabashada ay qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay odayaasha isla meel dhigeen in la tago Magaalada jowhar oo ay taal gogosha lagu dhisayo maamul ay u dhan yihiin dadka dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa wali Wada kulamada uu la qaadanayo Odayaasha Gobolka Hiiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip