Wasiirka koobaad ee golaha wasiirada oo gaarey Baladweyne +Sawiro

0
Tuesday March 22, 2016 - 17:16:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka koobaad ee golaha wasiirada oo gaarey Baladweyne +Sawiro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wafdiga la socda oo uu ka midyahay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxa ay la kulmayaan Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka, isagoo kala hadlaya Arrimaha shirka Maamul u sameynta dadka dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa sheegay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul wasaaraha uu ujeedku ahaa sidii odoyaasha dhaqanka looga hadli lahaa ka qeyb qaadashada shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baladweyn ayaa ku soo dhaweyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

IMG_8155IMG_8156IMG_8161IMG_8169

IMG_8207IMG_8216IMG_8226




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip