Gudoomiye Madaale oo sheegey in baaritaano dheeri ah lagu sameen doono sawabta keentey in ay gubtaan laba isbitaal oo ku yaala muqdisho

0
Monday March 21, 2016 - 14:38:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Madaale oo sheegey in baaritaano dheeri ah lagu sameen doono sawabta keentey in ay gubtaan laba isbitaal oo ku yaala muqdisho

    Isbitaalada Banaadir iyo Madiino ayuu kormeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, kuwaas oo habeenimadii xalay dab xoogan ka kacay,waxaana uu dabkaasi sababay inay basbeylaan qeybta ugu weyn ee s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaalada Banaadir iyo Madiino ayuu kormeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, kuwaas oo habeenimadii xalay dab xoogan ka kacay,waxaana uu dabkaasi sababay inay basbeylaan qeybta ugu weyn ee saalada qaliinta ee isbitaal Madiina halka qeybta keydinta daawooyinka Carruurta ee isbitaal Banaadir ay iyaduna dab qabsaday.

Sida ay ku warameen maamulada Isbitaalada Madiina iyo  Banaadir waxay sheegeen in uu dabkan oo markiisi hore ka dhashay karonto, hasa haate waaxda gurmadka deg dega ah dabdamiska ee dowlada hoose ee Xamar iyo shirkada Hormuud ay ku guulesten iney damiyaan dabkaasi,iyagoo ka hortagay inuu ku faafa qeybaha kale ee isbitaaladaasi.Duqa magaalada Muqdisho ayaa indha indheen ku sameeyay inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay dabka, waxaana kormeerka kadib warbaahinta la hadlay agaasimaha isbitaal Banaadir C/risaaq Xasan Cali isla markaana la hadlay dhinaatada dabkaasi.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa ugu baaqay hey’adaha caafimadka ka shaqeeya iyo dadka dhaqaalaha heysta iney garab istaagaan isbitaalada Madiina iyo Banaadir ee uu dabka qabsaday maadamada ay yihiin xaruma caafimad oo dadka Soomaaliyed loogu adeego.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la baari doona sababta labada isbitaal isku soo beegtay in uu dab qabsado isku waqti.

Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa is weydiinaya sababta keentay inay hal habeen ay wada gubtaan xarumahaasi caafimaad oo kamid ah kuwooda ugu mashquulka badan, hase yeeshee ilaa iyo hada si dhab ah looma oga wax sabababay dabkaan ka kacay labada isbitaal.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip