Gudoomiye Maxamed Macalin waxa gacanta ku haynaa qaraxyo iyo ragii wadtey

0
Sunday March 20, 2016 - 16:52:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Maxamed Macalin waxa gacanta ku haynaa qaraxyo iyo ragii wadtey

    Ciidamada ammaanka gobalka Bakool ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo Qarxa oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku aaseen deegaanka Garasweyne, sida uu laga soo xigtay Maamulka degmada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka gobalka Bakool ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo Qarxa oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku aaseen deegaanka Garasweyne, sida uu laga soo xigtay Maamulka degmada Xudur.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in ay ka war heleen xog ku saabsan in waqti dambe oo xilli habeen ah miinooyin lagu rakibay dhowr qeyb oo kamid ah saldhigga magaalada, kuwaas oo la rabay in lagu waxyeeleeyo saraakiisha iyo ciidamada booliska gobalka.

Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in ay qabteen saddex ka mid ah dadka la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi lagu aasay deegaanka, kuwa kalena ay ku daba jiraan, kuwaasi oo uu sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kadib markii ay ku jabeen dagaallada gobolka Bakool, waxa ay bilaabeen inay beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip