Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiil ciidan oo degmada bardaale tagey

0
Sunday March 20, 2016 - 16:22:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiil ciidan oo degmada bardaale tagey

    Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan ayaa gaarey Degmada Berdaale ee Gobolka Baay iyagoo saocdaalkooda ahaa u kuurgelidda Xaaladaha noolaleed ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan ayaa gaarey Degmada Berdaale ee Gobolka Baay iyagoo saocdaalkooda ahaa u kuurgelidda Xaaladaha noolaleed ee bulshada reer Berdaale.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Berdaale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda maamulka iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada ee degmada ku nool, waxaana ay booqdeen xerada tababbarka ciidanka ee degmada Berdaale oo ay ku jireen ciidan kor u dhaafaya 350 daraawiishta oo muddo tababbar uga socoday halkaasi

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Xasan Caracase iyo Taliya Ciidanka boolicka Koonfur Galbeed Ibraahim Macalin Kutub ayaa ciidanka ku booriyay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka daraawishta ayaa yiri "Waxaad ku mahadsantihiin sida aad u dulqaadateen muddadii dheereyd ee tababbarkan aad ku jirteen, waxaana la idin tababbaray in cadawga ka difaacdaan dalka gaar ahaa deegaanka aad hada ku sugan tihiin”

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed iyo Wasiirka dhaqan celinta maleeshiyaadka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo dhankooda la hadlay ciidanka ayaa si wada jir ah ugu booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxaweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ciidanka kula dar daarmay inay dib gacanga maamulka ugu soo celiyaan deegaannad ay ku dhuumaaleysanayan argagixisada Al-Shabaab.

 

vlcsnap-2016-03-20-09h29m49s158vlcsnap-2016-03-20-09h37m42s160vlcsnap-2016-03-20-09h32m29s186vlcsnap-2016-03-20-09h31m52s56vlcsnap-2016-03-20-09h31m20s57vlcsnap-2016-03-20-09h30m40s101vlcsnap-2016-03-20-09h29m49s158



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip