Labadii NIN ka dambeysey dilka marxuum Hindiya Xaaji Maxamed oo xukun dil ah lagu ridey

0
Sunday March 20, 2016 - 16:22:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadii NIN ka dambeysey dilka marxuum Hindiya Xaaji Maxamed oo xukun dil ah lagu ridey

    Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax.

Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ee dalka ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysanayaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamee Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, kuwaasi oo maxkamadda darajada koowaad ay xukunno kala duwan ku riday 25-kii February, isla markaana xukunkaasi ka qaatay racfaan.

C/risaaq Maxamed Barow oo ahaa shaqsigii gaariga Marxuumad Hindiyo ku xiray miinada iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo gacan ka geystay Dilka Marxuumadda ayaa Maxkamadda sare waxay labadooduba ku xukuntay dil toogasho sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida Liibaan Cali Yarrow oo tilmaamay in la laalay xukunkii hore ee Maxkamadda darajada Koowaad.

Maxkamadda Sare ayaa xukuntay Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere ,waxaana ay ku Xukuntay Xabsi Daa’im, taasi oo ay Maxkamadda sare ku raacday xukunkii hore ee ay ridday Maxkamadda darajada Koowaad oo ahayd xabsi daa’in.

Sidoo kale eedeeysane Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayaa lagu Xukumay 15 Sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale ay Maxkamadda Sare ku Xukuntay 10 sano oo Xabis Ciisdan ah.

Sadexda bishii 12 ee sanadkii 2015 ka ayaa koox ka tirsan Al-shabab waxaa ay magaalada Muqdisho ku dileen Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka, waxaana 25ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukunno kala duwan ku riday raggii falka dilka ah ka dambeeyay, kuwaasi oo maanta markale ay xukunno ku diray Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip