Madaxweynaha oo baaq u direy hay'adaha samafalka oo ugu baaqey in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen

0
Sunday March 20, 2016 - 09:51:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo baaq u direy hay'adaha samafalka oo ugu baaqey in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

"Biyo yaraan iyo abaaro baahsan ayaa goobo badan oo dalka ka mid ah ka jira. Xaaladdu waxaa laga yaabaa inay soo yara fiicnaato marka ay roobabka bilowdaan bisha soo socota ee April, balse inta ka horeysa waa in muhimadda koowaad iyo awoodda jirtaba la isugu geeyaa dadka tabaaleysan, iyadoo loo eegayo degaannada sida ay u kala daran yihiin’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka iyo dowladda ka sokow, shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta laga doonayo in ay u naxariistaan walaalahooda ay xaaladdan adag la soo gudboonaatey.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro kulul, waxaana u geeriyoodeen dad iyo xoolo, deegaanada qaar ayaa laga soo sheegayaa biyo la’aan, kadib markii uu wabiga guray.

Wabiga Shabelle oo mara Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose ayaa hada guray, dadka iyo xoolaha ku tiirsanaa biyaha wabiga ayaa hada waxaa soo wajahay xaalado nololeed oo aad u liita.



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip