Dagaalka AL-shabaab oo guul laga gaarey

0
Wednesday March 16, 2016 - 13:23:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka AL-shabaab oo guul laga gaarey

    Francisco Madeira madaxa howlgalka Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee midowga afrika ee Soomaaliya, oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu faafaahin kaga bixiyey waxqabadka Amisom iyo howlgalada 3-dii bilood ee ugu dambays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Francisco Madeira madaxa howlgalka Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee midowga afrika ee Soomaaliya, oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu faafaahin kaga bixiyey waxqabadka Amisom iyo howlgalada 3-dii bilood ee ugu dambaysay ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Francisco Madeira ayaa ugu horeyn ka hadlay howlgalkii lagu qabtay deegaano hoostag gobolka Shabellaha dhexe, kaasi oo si wadajir ah ay u qabteen ciidamada qaranka, iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.

"Anaga iyo ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaan gaarnay Guula la taaban karo howlgalkii aan ka sameynay magaalooyin ka tirsan gobolk Shabeellaha Dhexe, waxaana dib u sii riixnay maleeshiyaadka Al-shabaaab, waana sii wadaynaa ilaa aan ka dhameestirno dhamaan goobaha ay haraadiga ku yihiin”ayuu yiri Francisco Madeira.

Hirgalinta qodobadii ka soo baxay shirkii jabuuti ay ku yeesheen madaxda Ciidamada Ay ka joogaan Soomaaliya ayuu ku sheegay inay muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxa howlgalka Amisom waxa uu bogaadiyay talaaboyin loo qaaday doorashooyinka iyo wada shaqeynta wanagsan ee ka dhaxaysa Amisom iyo ciidamada qalabka sida, Amniga ayuuna tilmaamay inay muhiim u yihiin bulshadda,isagoo intaasi raaciyey in dadaalka ay isugu geynayan furitaanka wadooyinka argagaxisadu ay go’doomiyeen.





 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip