Qaraxii ka dhacey Magaalada Garbahaarey oo dad loo soo qabtey

0
Wednesday March 16, 2016 - 13:23:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxii ka dhacey Magaalada Garbahaarey oo dad loo soo qabtey

    Saraakiisha gobolka Gedo ayaa shaaciyey iney gacanta ku dhigeen shaqsi la sheegay inuu ka dambeeyay qarax dhawaan ka dhacay degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha gobolka Gedo ayaa shaaciyey iney gacanta ku dhigeen shaqsi la sheegay inuu ka dambeeyay qarax dhawaan ka dhacay degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Sheikh C/raxmaan Ansaari oo ka mid ah saraakiisha gobolka Gedo ayaa sheegay in laamaha amaanka ay qabteen shaqsigaasi, markii baaritaan lagu sameeyayna uu qirtay inuu qaraxa ka dambeeyay.

Wuxuu sheegay in ruuxa la qabtay uu kamid ahaa dadkii la qabtay markii qaraxa uu ka dhacay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, sida uu sheegay Sheikh C/raxmaan Ansaari.

"Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay, baaritaano ayey ku sameeyeen isaguna wuu qirtay dambigiisaā€¯ayuu yiri Sheikh C/raxmaan Ansaari.

Wiilka la qabtay oo dhalinyaro ah ayaa sarkaalka wuxuu sheegay inuu qirtay in Alshabaab uu ka tirsanaa isagana uu abaabulay qaraxa.

Sharciga ayuu sheegay in la horkeeni doono ruuxaasi la qabtay, isagoo intaa ku daray in baaritaanadu wali ay socdaan oo dad kale oo iyana la tuhmayo lagu raad joogo.





 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip