Ciidamada Maamulka Puntland Oo Khassaro Xoog Leh Gaarsiiyey Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Alshabaab Ee Ku Sugnaa Deegaano Ka Tirsan Maamulkaas

0
Wednesday March 16, 2016 - 13:23:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka Puntland Oo Khassaro Xoog Leh Gaarsiiyey Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Alshabaab Ee Ku Sugnaa Deegaano Ka Tirsan Maamulkaas

    -Dagaal Culus Oo U Dhexeeya Ciidamada Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabab ayaa Ka Socda Deegaanka Garmaal Eyl.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Dagaal Culus Oo U Dhexeeya Ciidamada Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabab ayaa Ka Socda Deegaanka Garmaal Eyl.

Wararkii ugu Dambeeyay Ee Naga Soo gaaray Deegaanka Garmaal oo Qiyaastii 20Km dhinaca Bari ka xiga Degmada Eyl Ee Gobalka Nugaal ayaa Xaqiijinaya in uu Socdo Dagaal Culus oo Barqanimaddii saakay ka dhex qarxay Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed Ee Puntland iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabab.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Muuse Cismaan Yuusuf Oo Aan la hadalnay ayaa ku Gaabsaday in Xaalad dagaal lagu jiro dhawaana ay war sax ah bulshada la wadaagi doonana isagoo sheegay in uu jiro Qasaare ka dhashay dagaalka Maanta Qarxay sidoo kalana Maxaabiis ay gacanta ku Hayaan.

Mahad Feyte oo ka mid ah Dadka Deegaanka, Oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in ay maqlayaan daryanka Rasaas xooggan oo u dhexeysa labada dhinac.

"Waxaa lagu dagaalamayaa Meel Waadi ah, Deegaanka waxaa lagu noolaa hal ceel halkaasi ceelna waxaa go’doomiyay Maleeshiyaadka Al-shabab, dhulkuna waa dhul ay abaar ba’an ay ka jirto, Isgaarsiintiina Deegaanada Qaar hawada ayaa laga saaray”ayuu Yiri Maad Feyte.




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip