Hey'adaha ammaanka ee Dalka oo ka war helay qorshe Al-Shabab ay ku weerari lahayeen dekadaha Ugu Muhiimsan Dalka

0
Wednesday March 16, 2016 - 13:23:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hey'adaha ammaanka ee Dalka oo ka war helay qorshe Al-Shabab ay ku weerari lahayeen dekadaha Ugu Muhiimsan Dalka

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in la adkeeyay ammaanka Dekadaha muhiimka ah ee Dalka si looga fogaado in kooxaha Argagixisada ee xiriirka la leh Al-qaacidda oo is abaabulay ay weerar qorsheysan ka geystaan Dakadaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in la adkeeyay ammaanka Dekadaha muhiimka ah ee Dalka si looga fogaado in kooxaha Argagixisada ee xiriirka la leh Al-qaacidda oo is abaabulay ay weerar qorsheysan ka geystaan Dakadaha Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in maleeshiyaadkii hubeysnaa ee lagu arkay shalayto Deegaanka Garacad ay qorsheynayeen weerar lagu qaado qaar kamid ah Dekadaha Soomaaliya markii xogtooda laga war helayna ay dib uga laabteen.

NISA ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah, kuwaas oo looga hortagayo qorshe kasta oo Kooxda UGUS ku dooneyso in ay ku carqaladeeyo ilaha dhaqaale ee Dalka.

Maleeshiyada ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa dib uga laabtay deegaankaasi kadib markii ay soo foodsaartay baqdin ay ka qabaan weerar kaga yimaada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Source: SONNA



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip