Ra'iisul Wasaaraha dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga+sawiro

0
Wednesday March 16, 2016 - 13:23:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha dalka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga+sawiro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.

Kulanka ayaa waxaa ay ugawada hadleen arrimo dhowr ah , oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi casuumaadda rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaakaddibwuxuu warbixin kooban ka siiyey dhiggiisa xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladdu sameysay ee la xiriira dhanka amniga, dhismaha maamullada dalka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed Arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo sidii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd, iyadoo labada Ra’iisul Wasaare isla garteen in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

unnamed

unnamed (2)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip