WAR DEG DEG AH Ciidamada xooga dalka oo la wareegey degaanka miir tuulo ee gobolka shabeellaha dhexe .

0
Thursday March 10, 2016 - 13:19:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH Ciidamada xooga dalka oo la wareegey degaanka miir tuulo ee gobolka shabeellaha dhexe .

    Ciidamada xooga dalka ayaa goor dhaw si toos ah ula wareegey degaanka miir tuulo ee gobolka shabeellaha dhexe oo ay ku sugnayeen maleyshiyada shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xooga dalka ayaa goor dhaw si toos ah ula wareegey degaanka miir tuulo ee gobolka shabeellaha dhexe oo ay ku sugnayeen maleyshiyada shabaab.

degaanka miir tuulo ayaa waxa uu ka mid yahay degaanada leesku yiraahdo afarta tuulo ciidamada ayaa saakey u ruqaansadey degaanka miir tuulo ay ku sugnayeen maleyshiyada Kooxda shabaab ciidamada ayaa halkaasi kula dagaalamey maleyshiyada Kooxda shabaab iyagoo halkaasi qasaaro lagu gaarsiiyay maleyshiyada Kooxda shabaab.

Sidoo kale waxa ay ciidamada gacanta ku dhigeen Hub fara badan oo aay ka carareen maleyshiyada

Madaxa howlgalinta guutada 12 ee ciidanka xooga dalka soomaaliyed Cali C/salaam oo la soo xariirey Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegey degaanka miir tuulo ay hada si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidamada xooga dalka soomaaliyed

Madaxa howgalinta guutada 12 ee ciidanka xooga dalka ayaa waxa uu xusey in degaanka uu bartilmaameed gaar ah uu u ahaa ciidanka isagoona sheegey in ay maleyshiyada Kooxda shabaab ay ka dileen laba dhagar qabe dhaawaca ayuu ku sheegey 1

Saraakiisha ciidamada markii ay gaareen degaanka Miir tuulo ayaa waxa goobta kusoo dhaweeyay dadka degaanka oo iskugua soo baxay markii ay arkeen ciidamada qaranka

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip