Ciidamada Kumandoska xooga dalka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab oo Al-shabaab qasaaro gaar siiyay

0
Thursday March 10, 2016 - 10:03:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kumandoska xooga dalka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab oo Al-shabaab qasaaro gaar siiyay

    Ciidamada Kumandoska xooga dalka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa ka qeyb qaatay weerarkii habeen hore ka dhacay degmada Aw-dheegle oo qiyaastii magaalada Muqdisho dhanka galbeed kaga beegan illaa 60KM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumandoska xooga dalka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa ka qeyb qaatay weerarkii habeen hore ka dhacay degmada Aw-dheegle oo qiyaastii magaalada Muqdisho dhanka galbeed kaga beegan illaa 60KM.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa Ciidamo Mareykan ah oo watay labo diyaaradood kuwa qumaatiga u kaca, kuwaasoo ku degay meel banaanka ka ah Aw-dheegle, isla markaana si lug ah ku gaaray goobo bartilmaameed ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in illaa afar goobood oo saldhig u ahaa maleyshiyada Al-Shabaab ay weerareen ciidamadan sida wada jirka ah uga qeyb qaatay howl galka.

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africa Col. Mark Cheadle ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidamadooda aanay wax xabad ah ridin, isla markaana ay ku sugnaayeen goob ammaan ah.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kumandoska Soomaaliya ay dhanka la talinta iyo diyaaradaha ka taageerayeen, ayna howl galka si guul ku jirta uga gaareen sida uu yiri.

Saraakiisha hor kaceysey howlgalka ayaa sheegay in howl galkaas lagu dilay illaa 20 ka tirsan maleyshiyada kooxda Al-Shabaab, ayna jiraan illaa 8 ruux oo gacanta lagu dhigay, horayna ay ciidamada u wateen.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip