Wasiirka Amniga Xukumada soomaliya oo sheegey in doonidii hubka wadey ay gacanta ku dhigeen ciidamada Australia u socdey Al-Shabaab

0
Wednesday March 09, 2016 - 09:44:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Xukumada soomaliya oo sheegey in doonidii hubka wadey ay gacanta ku dhigeen ciidamada Australia u socdey Al-Shabaab

    C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Somaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in hubka ay qabteen Ciidamada Badda Australia uu ku wajahnaa Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Somaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in hubka ay qabteen Ciidamada Badda Australia uu ku wajahnaa Ururka Al Shabaab.

Wasiirka, ayaa waxaa uu bidhaamiyay in Dowladaha Somaliya iyo Austalia uu u bilowday wada hadalo ku saabsan hubkan, oo bilowgii toddobaadkan lagu qabtay meel ka baxsan xeebaha Oman.

"Somaliya iyo Australia waxay ka wada hadlayaan hubka ay qabteen Ciidanka Badda Australia, weli waxaa socda baaritaanada ku aadan hubkaasi, maalmaha soo socdana faah faahin way ka soo bixi doontaa.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka, ayaa si kalsooni ku jirto u sheegay in doonida hubka siday ee la qabtay, ay hubkaasi u waday Al Shabaab, faah faahin intaasi dheerna ay ka soo saari doonaan, marka baaritaanada la soo gaba gabeeyo.

"Boqolkiiba boqol waxaan ognahay in hubkaasi uu ku socday Kooxda argagexesada Al Shabaab, mana rabo inaan ka hordhaco baaritaanada hadda socda. Baaritaanada ka dib ayaan wax kasta faah faahin doonnaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

Maleyshiyada Al Shabaab, ayaan dhankoodu ka hadlin waxa ka jira in hubkaasi uu iyagu ku socday. Sidoo kalana waxaan weli la garanayn cidda hubkaasi soo dirtay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip