Madaxweynaha oo ka qeyb galey xaflad lagu soo xerayay kal fadhiga todobaad ee baarlamaanka

0
Monday March 07, 2016 - 13:02:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka qeyb galey xaflad lagu soo xerayay kal fadhiga todobaad ee baarlamaanka

    Munaasibadan casho sharafta aheyd isla markaana gudoonka barlaamanka Soomaaliya oo ku sagootinaayay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo galey fasixi kalfadhig 7aad ee u xirmay ayaa waxaa ka qeyb galey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadan casho sharafta aheyd isla markaana gudoonka barlaamanka Soomaaliya oo ku sagootinaayay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo galey fasixi kalfadhig 7aad ee u xirmay ayaa waxaa ka qeyb galey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, gudooniyaha barlamaanka Ra'isul wasaaraha,xubno katirsan golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Intii ay socotay munaasibadu ayaa waxa goobta lagu soo bandhigay flim ka hadlaayay waxqabadkii mudanayaasha barlamaanka ee hada jira, iyadoo sidoo kale goobta ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysay wax qabadka golaha shacabka kooxda fanka ee Shambal.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Mahad Cabdala Cawad, ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhex jirto mudanayaasha golaha shacabka.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmarke, ayaa dhankiisa sheegey in ay tahay wax lagu farxo wada shaqeynta dhex ka dhaxeysa hey’adaha dalka ugu sareeya.

Guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jaawari) oo soo qaban qaabiyay casho sharafta ayaa u soo jeediyay xubnaha barlamaanka hadalo dardaaran ah, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay fasaxa mudanayaasha golaha shacabka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasibada soo xirey ayaa mudanayaasha barlamanka u sheegey shaqooyinka wax ku oolka ah oo ay soo qabteen sanadkaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey dalkani inuu u bahanyahay isfaham siyaasadeed taa oo looga gudbi karaayo dhibaatooyin jira hada.

Mudanayaasha barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guda galey bil fasax ah kadib markii maalin ka hor uu u soo xirmay kalfadhigii 7 aad.

 



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip