Gudoomiyaha Gobolka Oo Ay Weheliyaan Saraakiisha Ciidamada Amaan Oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Baraha Ciidanka Nabadsugida Ay Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho

0
Monday March 07, 2016 - 13:02:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Oo Ay Weheliyaan Saraakiisha Ciidamada Amaan Oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Baraha Ciidanka Nabadsugida Ay Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yusuuf Xuseen Jimcaale oo ay wehliyaan taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir C/xakiim Faray iyo qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa ay kormeer ugu kuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yusuuf Xuseen Jimcaale oo ay wehliyaan taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir C/xakiim Faray iyo qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa ay kormeer ugu kuurgaleen sida ciidanka u sugayaan ammaanka waxaa ay ku tageen qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho.

Goobaha ay kormeereen mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah isgoysyada Folorensa, Carwo Idko iyo goobo kale o o ka tirsan degmooyinka gobolka.

Yusuuf Xuseen Jimcaale, oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxaafadda la hadlay kormeerka kadib ayaa sheegay in howsha ay wadaan ay tahay mid qeyb ka ah qorshaha xaqiijinta amniga gobolka Banaadir oo dhowaan maamulka gobolka la hoosgeeyay laamaha amniga ee gobolka u xilsaaran amnigiisa.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in kormeeradan ay noqon doonaan kuwo joogto ah oo markasta ay sameyn doonaan si wax looga qabto amniga gobolka Banaadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip