Wasiir Diini "Dagaalka Nabad diidka Al Shabaab haloo Midoobo "

0
Sunday March 06, 2016 - 08:04:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diini "Dagaalka Nabad diidka Al Shabaab haloo Midoobo "

    Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ladagaalanka Alshabaab hal dhinac uga soo wada jeestaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ladagaalanka Alshabaab hal dhinac uga soo wada jeestaan.

Wasiirka Difaaca ee Dowladda Soomaaliya S/Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo kismaayo ku jooga ayaa Shacabka Jubaland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Al shabaab hal dhinac uga soo wada jeestaan.

Wasiir diini oo hadalkiisa siiwata ayaa Yiri "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya Cadowga aragagixisada ee Alshabaab in ay hal dhinac uga soo wada jeestaan, shabaab inuu ku dilo mooyee ku nooleyn maayo xitaa kan kula dhashay faa’iido maleh haduu mar shabaab noqdo, shacabka soomaaliyed waxa ka codsanayaa Cadowgaas ee halala dagaalamo” ayuu yiri Wasiir Diini


S/Gaas C/qaadir sh Ali Diini ayaa tilmaamey in ciidamada qaranka ay mar waliba ay u taagan yihiin in ay difaacaan shacabka soomaaliyed waxa uuna sheegey in kooxda hada laga awood roonaadey

Wasiirka difaaca soomaaliya ayaa ka hadley dib u dhiska ciidanka xooga dalka waxa uuna sheegey in ciidanka xooga dalka ay hada dhismayaan balse ay u baahanyihiin in la qalabeeyo ciidamada si ay meesha uga saaraan Maleyshiyada kooxda shabaab

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukumada fadareelka soomaaliya ayaa in uu ku sugan yahay Magaalada kismaayo waxa uu booqanayaa xeryaha ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin magaaladaasi






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip