Maxamed Cumar oo kulumo la qaatey madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID

0
Sunday March 06, 2016 - 08:04:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Cumar oo kulumo la qaatey madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID

    Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare xigeenka DFS Md. Maxamed Cumar Carteh oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID iyo hay'ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare xigeenka DFS Md. Maxamed Cumar Carteh oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID iyo hay'addo kale oo caalamiya. Dhinaca dawladda Maraykanka, Md. Maxamed Cumar waxa uu la kulmay madax iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Difaaca ee dalka Maraykanka.

Md. Maxamed Cumar Carte ayaa booqashadiisu la xiriirtay shir sanadeed uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka isla markaana lagaga hadlayay arimo ku aadan dawladaha ka soo kabanaya deganaansho la’aanta (Fragility Forum 2016).


Md. Maxamed Cumar, oo shirkaasi ka jeediyay warbixin ku aadan Soomaaliya, ayaa ka waramay isbadallada dhinaca siyaasada, amniga, dhaqaalaha, waxqabadka iyo hiigisga DFS iyo dhibaatooynka horyaal ee loo baahan yahay in wax laga qabto.



Waxa kale oo uu Md. Maxamed Cumar ka qeyb galay xaflad casho oo ay Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Marakaynku u samaysay. Xafladaasi oo ay isugu yimaaden Safiiro, diblomaasiyiin, iyo hay’addo Caalami ah, iyada oo lagu qabtay habeenkii Khamiista ee bishan Maarso 3, Hoteelka Caalamiga ah ee Mayflower.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sidoo kale warbixin uu ka jeediyay xafladaasi soo dhaweynta kaga hadlay waxqabadka dawladda iyo dhabaatooyinka horyaala . Md. Maxamed ayaa inta aanu ka ambabixin magaalada Washington la kulmi doona bulsho weynta Soomaaliyeed , ee magaalada Washington iyo agagaarkeeda deggan.


Md. Maxamed Cumar oo lagu wado in uu safar ku tago magaalada New York, ee xarunta Qaramada Midoobay, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doonno madax ka tirsan Qaramada Midoobay.


unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed


.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip