Dowladda Australia Oo Sheegtay Inay Qabatay Hub Badan Oo u soodey dalka soomaaliya

0
Sunday March 06, 2016 - 08:04:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Australia Oo Sheegtay Inay Qabatay Hub Badan Oo u soodey dalka soomaaliya

    Ciidamada Badda Dowladda Australia, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub fara badan oo ku soo wajahnaa gudaha dalka Somaliya, ayna ku qabteen badda dhexdeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Badda Dowladda Australia, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Hub fara badan oo ku soo wajahnaa gudaha dalka Somaliya, ayna ku qabteen badda dhexdeeda.
Hubkaan ayaa lagu dhex qariyay Doon kaluumaysi dhexdeeda, balse ciidanka Badda Australia, gaar ahaan guutada la dhaho HMAS ayaa gacanta ku dhigay hubkaasi.
Saraakiil u hadashay Guutda HMAS ka tirsan Ciidamada Badda dalka Australia ayaa sheegay inay meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cuman ka soo qabteen dooni kaluumeysi oo lagu qariyay 1989 qoriga AK-47 ah, qoryaha fud fudud, ku dhawaad 100 gantaalada garbaha laga rido ah, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Admiral David Johnston Taliyaha Ciidanka howlgalka Australia ayaa sheegay in guutada loo yaqaan HMAS Darwin ay heegan adag ku jireen marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo ku soo wajahnaa xeebaha Somaliya.
"Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga.” Sidaa waxaa yiri Admiral Johnston.
"Howlgalka guuleystay iyo qabashada xigtay ee hubka ee lagu qarinayay shabaagta kaluumeysiga waxay muujineysaa feejignaanta amaanka gobolka.”Ayuu hadalkiisa kusii daray.
.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip