Ka'Dib qaraxyo gilgiley Degmada baardheer ciidamada oo howlgal baaritaano wada

0
Saturday March 05, 2016 - 16:25:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka'Dib qaraxyo gilgiley Degmada baardheer ciidamada oo howlgal baaritaano wada

    Taliska ciidamada ammaanka ee degmadda Baadheere ee Gobalka Geddo ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasi oo lala eegtay kolonyo gaadiidka ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada ammaanka ee degmadda Baadheere ee Gobalka Geddo ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasi oo lala eegtay kolonyo gaadiidka ciidamada AMISOM.

Taliyaha booliska degmada Baardheere Cabdi Sheekh Xasan oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa hoobiyeyaal todobo xabo ah oo ay ku aaseen jidka hareeraheeda, ujeedkuna ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen ciidamada Nabadgelyada Midowga Afrika ee AMISOM


"Qaraxyada ay jidka ku aaseen labo ka mid ah ciidamada ayaa fashiliyay oo soo bixiyay, halka todobo kale ay qarxiyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay ku waxyeeleeyaan ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM, mana ogi qasaaraha soo gaaray ciidanka Ethiopiaā€¯ ayuu yiri Cabdi Sheekh Xasan



Taliyaha booliska degmada Baardheere ayaa tilmaamay in howlgallo ay ciidamada sameeyeen lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lala xiriirinayo inay ku luglahaayeen qaraxda, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isagoo intaa ku daray in ciddii kiiska ay ku cadaan weyso la sii deyn doono


Somali National Army Radio

Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed

Snaradio.net





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip