Shirkii Baarlamaanada Carabta oo looga arinsadey guulaha ciidamada xooga dalka

0
Saturday March 05, 2016 - 10:25:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Baarlamaanada Carabta oo looga arinsadey guulaha ciidamada xooga dalka

    Prof Maxamed Cumar Dhalxa guddoomiye ku xigeenka gudiga Arimaha dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya oo la hadley Idaacada codka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu ka warbixiyay shirkii Baarlamaanada carabta oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Qaahira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof Maxamed Cumar Dhalxa guddoomiye ku xigeenka gudiga Arimaha dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya oo la hadley Idaacada codka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu ka warbixiyay shirkii Baarlamaanada carabta oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Qaahira ee dalka Masar wuxuuna sheegya in shirka Baarlamaanada wadamada Carabta looga hadlay arrimo ku aadan Soomaaliya isagoo intaas sii raaciyay in ay ka hadleen sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa Ciidamo Qaran oo tayo fiican leh.
Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in laga hadlay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loogu gar gaari lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha waaweyn ee ku yaalla gudaha Soomaaliya wuxuuna carabka ku dhuftay in soo jeedintaas ay lahaayeen wufuuda kala duwan ee ka qeyb galeysay shirkaas.
Dhinaca Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in guddigooda ay dalbadeen in Ciidamada Soomaalida la madax baneeyo islamarkaana cunno qabteynta saaran Soomaaliya laga qaado si loo tayeeyo Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip