Amaanka Garoomada Diyaaradaha Kenya oo aad loo Adkeynayo

0
Saturday March 05, 2016 - 09:33:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amaanka Garoomada Diyaaradaha Kenya oo aad loo Adkeynayo

    Dowlada Kenya ayaa sheegtay iney xaqiijin doonto amaanka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya oo ay ku safraan dadka muwaadiniinta Kenya ah iyo kuwa ay kasoo dagaan duulimaadyada caalamiga ah, kadib markii dhawaan digniino amaan lasoo saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa sheegtay iney xaqiijin doonto amaanka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya oo ay ku safraan dadka muwaadiniinta Kenya ah iyo kuwa ay kasoo dagaan duulimaadyada caalamiga ah, kadib markii dhawaan digniino amaan lasoo saaray.


Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery iyo wasiirka dalxiiska Kenya Najiib Balala ayaa si cad u sheegay iney adkeyn doonaan amaanka garoomada diyaaradaha dalka Kenya, islamarkaana ciidamo ilaalo ah loo diri doono garoomada dalka Kenya.


Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay iney ka duulayaan digniinihii dhanka amaanka ee lasoo saaray todobaadkii hore, kuna aadanaa in  Maleeshiyada Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay la beegsadaan garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya



"Inaga oo ka duuleyno digniinihii masuuliyiinta garoomada diyaaradaha Kenya, waxaan kor u qaadeynaa amaanka garoomada, dowlada waxay fileysaa iney xaqiijiso dhamaan safarada iyo dadka soo booqanaya Kenya iney si nabad ah ku yimaadaanā€¯ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha dalka kenya.


Wuxuu sheegay in laamaha amaanka dalka Kenya ay si wadajir ah u shaqeyn doonaan si loo xaqiijiyo amaanka garoomada diyaaradaha, iyada oo feejignaan laga galayo weeraro Alshabaab ka geystaan dalka Kenya.


Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay iney mar walbaa dib u eegis ku sameyn doonaan amaanka garoomada diyaaradaha dalka Kenya sababtoo ah buu yiri amaanka garoomada ayaa ah mid muhiim u ah dhaqaalo badan oo Kenya garoomada ay ka hesho.


Somali National Army Radio 

Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 

Snaradio.net 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip