Maxamed Cumar oo Mareykanka uga qeyb galaya Shir Muhiim u ah Soomaaliya

0
Saturday March 05, 2016 - 09:29:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Cumar oo Mareykanka uga qeyb galaya Shir Muhiim u ah Soomaaliya

    Ra'iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa halkaasi kaga qeyb galay shir looga hadlayay dib u soo kabashada dowladdaha ka soo kabanaya dagaallada sokeeye iyo sidii wax loogu qaban lahaa d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa halkaasi kaga qeyb galay shir looga hadlayay dib u soo kabashada dowladdaha ka soo kabanaya dagaallada sokeeye iyo sidii wax loogu qaban lahaa dowladahaasi.


Mudane Maxamed Cumar Carte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in shirka lagu casuumay Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Bankiga Adduunka, waxaana uu intaa ku daray in qeyb weyn ay ka qaateen shirka oo uu soo bandhigay horumarada ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo maareynta dadka gudaha dalka ku barakacay.


Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay kala hadleen inay wax ka badalaan qaabkii hore ee ay Soomaaliya ku caawin jireen, kaasi oo rajo wanaagsan ka muujiyay, maadaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaado sokeeye.



"Labo arrimood ayaa nooga soo baxday oo ay ugu horeyso in Soomaaliya ay ka soo kabatay bur burkii hayay muddo ka badan 30-ka sanno, tan labaad waxaa noo soo baxday in qaabkii hore wax laga badalo, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah oo ay ka midtahay Bankiga Adduunka iyo kuwa kale caawinta Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada ay siinayan Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.


Somali National Army Radio 

Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 

Snaradio.net 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip