Baarlamaanka oo Maanta markale u yeeray Wasiirka Amniga

0
Saturday March 05, 2016 - 09:25:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo Maanta markale u yeeray Wasiirka Amniga

    Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kulan ay su'aalo la xiriira ammaanka ay ku weydiinayaan Xukuumadda, kaasi oo dabo socday labadii kulan ay Xildhibaannadu su'aalaha ku wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kulan ay su'aalo la xiriira ammaanka ay ku weydiinayaan Xukuumadda, kaasi oo dabo socday labadii kulan ay Xildhibaannadu su'aalaha ku weydiinayeen Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo Wasiirka Amniga.


Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka maanta uu hor imaanayo Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaa oo ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka.


"Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa uu daba socdaa su’aalo weydiinta xukuumadda ee dhanka ammaanka ee qabsoomay 2-3dii bishan, waxaana la filayaa in baarlamaanka uu horyimaado Wasiirka amniga gudaha, horeyna Ra’iisul wasaaraha ayaa su’aalo ku saabsan amniga uga jawaabay Xildhibaannada” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Somali National Army Radio 


Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 

Snaradio.net 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip