Tiro ka tirsan Maleyshiyada kooxda shabaab oo lagu diley Bakool

0
Thursday March 03, 2016 - 17:40:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiro ka tirsan Maleyshiyada kooxda shabaab oo lagu diley Bakool

    Maamulka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ciidamada dowladda Somaaliya ka sameeyeen deegaanno ku dhaw degmadaasi kaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ciidamada dowladda Somaaliya ka sameeyeen deegaanno ku dhaw degmadaasi kaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Aadan Cabdi Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka demada Xudur ayaa sheegay howlgal gaar ah oo ciidamada ay ka sameeyeen duleedka Degmada Xudur in lagu dilay Lix nin oo ka tirsan maleyshiyada Shabaab

Wuxuu sheegay in ay iska caabin kala kulmeen raggii ka midka ahaa ­shabaab halkaasina ay ku dileen 6 ka mid ah maleyshiyada kooxda shabaab  gacantana ay ku dhigeen gaadiid ay adeegsanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Kooxda nabad diidka ah ayaa gaadiidka isbaaro u dhiganaye tuulooyin ku dhaw degmada Xudur, ciidanka ayaa ku baxay waxaana nasiib wanaag aynu ku guuleysannay inaan qaarna dilno kuwo kalena ka dhaawacno, waxaan gacanta ku dhignay mootooyin ay adeegsanayeen iyo gaadiid kale” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip