"Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay argigixisada ka sameeyaan Soomaaliya sida magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa bartilmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isugu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay argigixisada uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amniga,waana waajib muqadas ah oo saaran qof walba oo Soomaali ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiye Jawaari.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa tilmaamay in argigixisada looga adkaan karo marka ay shacabka iyo Ciidammada ammaanku si wadajir ah u howlgallaan waxaana uu Alle ka baryey in umadda Soomaaliyeed uu waafajiyo guusha u muuqata.
—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation office of Speaker
Gudoonka sare ee baarlamaanka oo tacsi u direy dadkii ku geeriyooday qaraxyadii beydhabo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yeeloobeen qaraxyada ay argigixisadu ka geysatay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka