Dhagar qabayaashii ka dambeeyay qaraxii beydhabo oo gacanta lagu soo dhigey

0
Monday February 29, 2016 - 11:48:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagar qabayaashii ka dambeeyay qaraxii beydhabo oo gacanta lagu soo dhigey

    Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, C/laahi Cali Watiin, oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegey in ciidanka amniga ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ay gacanta ku hayaan dhagarqabayaashii ka ka damb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, C/laahi Cali Watiin, oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegey in ciidanka amniga ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ay gacanta ku hayaan dhagarqabayaashii ka ka dambeeyay qaraxyadii shalay galab ka dhacay bartamaha Baydhabo.
Watiin, ayaa intaa ku daray in baaritaano habeenimadii magaalada laga sameeyay lagu ogaaday in mid kamid ah geerishyada ku yaala magaalada laga soo abaabuley isla markaana ragga gacanta lagu dhigay qaarkood ay qirteen falkaas in ay ka dambeeyeen.
C/laahi Cali Watiin, guddoomiyaha degmada Baydhabo, ayaa sidoo kale sheegay in ragga la qabtay ay tiradooda u dhaxeyso 6-7 isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad sugidda koofur galbeed Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo, ayaa shalay casir liiqii waxaa ka dhacay qaraxyo khasaare xoogan u geystay dad badan oo shacabka ah kuwaas oo aan wax dambi ah gelin,hase yeeshee maleeshiyaadka nabad diidka ah ayaa had iyo jeer waxaa ay u jeedkoodu yahay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee muslim ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip